15/08/2026
Shan sano ayuu kursiga Reer Maxamed Cabdi ku fadhiyay, shantaas sano xitaa gabar nadiifiso ah shaqo ma gayn, qof ma damiinan, dadkiisana waa kuwa uu taleefanada ka dansaday iyo kuwa uu been u sheegay.
Xalay kaliya ayuu soo baxay, xalayna nin aan deegaankiisa ka soo jeedin ayuu olole u sameynayay, dhalinyaro badan oo waxaa jiray maalmahaan doonaya in ay qofka noocaan ah iyo kuwa lamid ahba siyaasadda ka saaraan iyagoo adeegsanaya codkooda, abaabulkooda iyo awooddooda, waana ku bogaadinayaa in aan kursi danbe la dhicin sida qofkaani u dhacay kursiga reerkaas.