06/08/2026
*OGEYSIIS KU SOCDA MACAAMIISHA SHIRKADDA*
Shirkadda Biyaha Laascaanood (LAWS) waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan macaamiisheeda sharafta leh in biyo-galinta xaafadaha Garoonka Cabdi Bile, xarunta dhimirka, xarunta guddida nabad-galyada, ilaa hoteelka Jabuutaawi ay diyaar tahay.
Sidaa darteed, dhammaan shacabka deggen xaafadahaas waxaa lagu wargelinayaa inay iska diiwaangeliyaan xafiiska shirkadda biyaha LAWS ee ka danbeeya bangiga Amal xarunta u dhaw gooladda.
Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xidhiidh xafiisyada daryeelka iyo diiwaangalinta macaamiisha Shirkadda LAWS.
Mahadsanidiin.
Xafiiska warbaahinta
Shirkadda Biyaha Laascaanood (LAWS)