Nuur Energy

Nuur Energy Reliable and affordable energy

18/05/2026

Hambalyo 18 May 💚🤍❤️

Ku socota shacabka qiimaha badan ee reer Somaliland,

Shirkadda Nuur Energy waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka iyo madaxda dalka munaasibadda qaaliga ah ee 18-ka May awgeed.

18 May waa maalin xusuus iyo sharaf weyn u leh qarannimada, midnimada iyo halgankii dib-u-dhiska dalka.

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu Somaliland ku asturo nabad, horumar iyo barwaaqo waarta.

“18 May — Maalinta qaranimada Somaliland.”

Balanteenu waa "Tamar Tayo Leh oo joogto ah "
Waxaa diraya:
Nuur Energy
Reliable & Affordable Energy.

Happy 18 May .Shirkadda laydh ee Nuur Energy waxay halkan Hambalyo qiimo badan uga diraysaa xuska  munaasabadda 18-ka Ma...
17/05/2026

Happy 18 May .

Shirkadda laydh ee Nuur Energy waxay halkan Hambalyo qiimo badan uga diraysaa xuska munaasabadda 18-ka May dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaan shacab waynaha gobolka Togdheer , macaamiisheeda iyo bahda Nuur Energy.

Nuur Energy waxay idiin rajaynaysaa nabad, horumar iyo barwaaqo waarta.

18 May waa maalin ku wayn quluubta shacabka reer somaliland oo Adkaysi iyo Aqoonsi , halgan iyo horumar lagu xasuusto.

“Nuur Energy — Tamar joogto Ah iyo Adeeg Hufan .” ✨

10/04/2026

Muuqaalkan aad ujeedaan waa police ka Burco oo xadhig shirkadda Nuur leedahay jaraya maanta 10/4/2026.

Waxaad h**e u ogaydeen gudidii loo saaray xaaladda laydhka Burco inay si sharciga baalmarsan ugu amreen shirkadda Nuur inay shaqada laydh galinta joojiso. Shirkadda Nuur yadoo danta guud eegaysa ayay muddo sanad ah isku dayaysay in ama dawladdu fasaxdo ama maslaxad kale oo magaaladda Burco laydh jaban oo adeegiisu sareeyo ku hesho.

Ugu horayn Shirkaddo heshiiyey ma jiraan ee Shirkad kooto laydh doonaysa ayaa jirtay. Doonista shirkad gaar loo leeyahay ma aha sharci iyo dawtoona in shirkad kale hamigeeda loo hor istaago. Shirkaddaha Dawladda ayaa u dhex ah oo ay tahay yadoo midna la jirin inay si cadaaladda wado u kala mariso.

Guddida waxay si cad ula safteen shirkadda kale adeega laydhka bixisa, iyagoo sheegay inay shirkadaha waawayn ilaalintooda iyo naasnuujintooda ka go’antahay. Go’aanka noocaasi waa mid dhabarjab ku ah ganacsiyada cusub, meelkadhac ku ah dadwaynaha iyo danyarta ay matalayaan, aadna u wiiqi doona hamiga iyo dedaalka dad badan ugu jiraan inay maalgashi wadankan ku sameeyaan.

Waxay shirkadda Nuur aqbashay in la sameeyo shirkad laydh oo cusub oo dawladduna qayb ka noqoto.

Dawladda maslaxad iyo caqli ay xaaladda laydhka ku maaraynayso ayaa looga fadhiyaa ee maaha inay gaadhi qabaal ah iyo salaan intay qaadato hanti shirkadeed jarjarto.

Ugu danbayn, shirkadda Nuur waxay soo dhawaynaysaa dadaal kasta oo keenaya inay Burco hesho laydh jaban oo joogto ah, waxaanay qaadacaysaa quweynta shirkad kale damaceeda gaarka ah iyo kooto ragaadisa horumarka magaaladda Burco .

Alla mahad leh .

Address

Main Zero
Burco
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nuur Energy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nuur Energy:

Shortcuts

Share