Cadnaan Dalmar

Cadnaan Dalmar 🚴‍♂️ Africa ➝ Finland | Safar 15,000KM ah oo aan ku marayo 3 qaaradood iyo 30 waddan.
(1)

Himiladaydu waa inaan noqdo qofkii ugu horreeyay ee Afrika baaskiil kaga baxa, kana rumeeya riyadiisii Pilotnimo kadib 20 sano oo rajo iyo adkaysi ah

04/09/2026

Duhur Cad baa Mobile iftiinle (Toosh) la,igu duubay. Odayaal Cajiiba ayaan Nooahsa igu qabtay

04/09/2026

Nolasha Ayay Igu qabteen Odayaal Cajiib ahi. Duhur ayay mobile Toosh kii Igu duubeen!

Indhaha nuurigeedaay, meel kale kuuma aamino.Dibadda waxaan uga baqaa in lagaa qaato, ama ay ku haleelaan dabayl, dhaxan...
04/09/2026

Indhaha nuurigeedaay, meel kale kuuma aamino.

Dibadda waxaan uga baqaa in lagaa qaato, ama ay ku haleelaan dabayl, dhaxan iyo siigo. Laabtayda ayaa ii ah hoyga kuugu nabdoon. Dad badan waxay kuu arkaan baaskiil, balse aniga waxaad ii tahay riyo Rajo wayn

Markaan ku ag seexdo, qalbigaygu wuu degaa. Markaan kula safro, daalku wuxuu isu beddelaa farxad. Jid kasta oo aan marno wuxuu noqdaa xusuus cusub, caqabad kastana waxay isu beddeshaa sheeko aan berri ku faano.

Dhab ahaantii waan ku jeclahay, . Ma tihid oo keliya gaadiid aan ku socdo; waxaad tahay wehelkayga aamusan, markhaatiga guushayda iyo guuldarradayda, saaxiibtayda aan i khiyaanayn, iyo jacaylkayga waddooyinka dheer.

Ilaa neeftaydu socoto, waxaad ahaan doontaa garabkayga. Adigana aniguna ma kala harayno, maxaa yeelay safarrada ugu quruxda badan weli way na sugayaan. ❤️🚴‍♂️

Ganacsigu ma koro marka la arko oo keliya, wuxuu koraa marka la xasuusto.Haddii aad doonayso in magaca ganacsigaagu ka d...
04/09/2026

Ganacsigu ma koro marka la arko oo keliya, wuxuu koraa marka la xasuusto.

Haddii aad doonayso in magaca ganacsigaagu ka dhex iftiimo indhaha kumannaan iyo malaayiin qof, fursaddu waa halkan.

Bishan waxaan xayeysiin u samayn doonaa 10 ganacsi oo keliya, aniga iyo bulshadayda safarka ila wadaagta ayaana gaadhsiin doona meel fog.

H**e waxa uga faa’iidaystay iyo Maanta waxaa laga yaabaa in ganacsigaaga noqdo magaca xiga ee ay malaayiintu arkaan.

Ha sugin in lagaa hormaro… Noqo kan xiga. 📩
La soo xidhiidh What’s app +252907442622 Galis

03/09/2026

Wardheer to Qabridahar , Day 2 magaadhi doonaa maantana?

03/09/2026

Dacawalay ayaan ku kulanay aad buu iiga yaabiyay

Ganacsigaagu ma u baahan yahay inuu gaadho kumannaan macaamiil cusub? Tani waa fursaddaada!Bishii la soo dhaafay, 17 mil...
02/09/2026

Ganacsigaagu ma u baahan yahay inuu gaadho kumannaan macaamiil cusub? Tani waa fursaddaada!

Bishii la soo dhaafay, 17 milyan oo qof ayaa daawaday muuqaaladayda dhammaan baraha bulshada. Taasi waxay ka dhigan tahay in ganacsigaaga uu heli karo muuqaal ballaadhan oo gaadha dad badan.

📢 Bishan waxaan xayeysiin u samaynayaa 30 ganacsi oo yaryar iyo kuwo dhexdhexaad ah.

Haddii aad rabto in:
âś… Dad badan ku bartaan ganacsigaaga.
âś… Iibkaagu kordho.
âś… Summaddaadu noqoto mid si weyn loo arko.

Ha seegin fursaddan.

📲 Kala soo xidhiidh WhatsApp:
+252 097 442 622

Boosasku waa xaddidan yihiin. Soo degdeg inta aanay buuxsamin!

👇 dadka igu xidhanow, faallooyinka ku qor ganacsiga aad jeclaan lahaydeen inaan idiin soo bandhigo ama aan xayeysiiyo. Sidoo kale, qof ganacsi leh u mention gareeya si uu uga faa’iidaysto fursaddan.

120 km ma ahayn oo keliya masaafad aan jaray; waxay ahayd imtixaan uu safarku ii dhigay.Waxaan la halgamay kulayl gubaya...
01/09/2026

120 km ma ahayn oo keliya masaafad aan jaray; waxay ahayd imtixaan uu safarku ii dhigay.

Waxaan la halgamay kulayl gubaya, dabayl xoog leh oo mararka qaar aniga iyo baaskiilkaygaba dib noo riixaysay, gaajo, iyo Hataad. Haddana waxaan is lahaa, ha isdhiibin.

Afar cisho iyo saddex habeen oo dadaal, dulqaad iyo adkaysi ka dib, caawa waxaan taaganahay magaalada Qabridahare.

Farxaddaydu ma aha oo keliya inaan meel soo gaadhay; waa inaan naftayda u caddeeyey in caqabadi aanay ka xoog badnayn rabitaanka qof go’aansaday inuu gaadho himiladiisa.

Waan adkaystay. Waan halgamay. Waan gaadhay. Alxamdulillaah.

01/09/2026

Wardheer to Qabridahar One day
Hadaad ka hesho muuqaalada isku xidhan like Saar iina sheeg thanks

01/09/2026

Safarku waa soconayaa si kastooy wadadu u dheeraato

Address

Mareero
Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cadnaan Dalmar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category