03/08/2025
~Unugyada jidhkiyo oofahaay aragsaneey hooyo
~Adhaxda iyo oogada jidhkeen ku ilsamaay hooyo
~Edeb iyo akhlaaq igu korshaay ehel janooy hooyo
~Asalkaan kasoo beer mayeen ka unkamaay hooyo
~Asaagay iwada dhaafiyaay aaho kuma gaadho
~Aakhira markii aan tagnee eebe lahor joogo
~Camalkii adoomaha markii aalad lagu beego
~Amar eebe mooyee markaan la,ololayn doonin
~Itaxaan ilaah kuma badoo aad janada hooyo
~Aqalada fardawsaad intuu eebe kugu sooro
~Abaal marin ilaah gaaga yeel irideheediidhe
~Albaabkeeda goortaad tagyeed eego bilicdeeda
~Ilays keeda nuurkale intaad la ashqaraar yaabto
~Ku iloow ibtiladii ifkiyo oonkad ii mudatay