25/06/2026
Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo in Soomaaliya ay ku sii socoto waddo u eg nidaamyada muddo dheer awoodda ku haystay dalal kamid ah Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toos u soo min-guurinaya ficilada ka jira dalalka dariska sida Jabuuti iyo Uganda, taasoo tusaale cad u ah Xiritaanka siyaasiyiinta, wariyeyaasha iyo muwaadiniinta fikirkooda cabbiraya.
Xasan Sheekh maanta waxaa u xiran gabar sheegtay in ay xaq u leedahay in ay u noolaato sida gabadha Madaxweynaha, balse Xabsi 3 sano ah ayaa loo qoray. Wiil Wariye ah ayaa yiri cadaalad darro ayaan u arkaa waxa ku dhacay gabadhaas, isla maanta ayaa xabsiga la dhigay isagana.
Kursi jacaylka wuxuu ku ilowsiinayaa xitaa haddii horay aad u soo gubatay, Soomaaliya ma aha dal la mid ah dalalkaas. Taariikhdu waxay xasuusataa in xitaa hoggaamiye 21 sano awood ku haystay dalka ugu dambayn laga qaaday xukunka isagoo dacas uga baxay dalka. Sidaas darteed, awoodda waxaa ka weyn rabitaanka shacabka, caddaaladda iyo xorriyadda hadalka.
Qof kasta oo maanta u arka in cabburintu tahay xalka siyaasadeed waa inuu ogaadaa in taariikhdu mar walba dhinac u dhigto kuwii awoodda ku takri-falay iyo kuwii difaacay xaqa shacabka.