Guddiga Maareynta Khataraha Masiibooyinka Degmada Qardho.

Guddiga Maareynta Khataraha Masiibooyinka Degmada Qardho. Guddiga Gurmadka iyo ka hortagga Khataraha Masiibooyinka Magaalada Qardho iyo deegaanada hoostaga.

SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 15 – 21 OCTOBER 2024:Iyadoo asbuucii lasoo dhaafay ay ka da’een roobab dhex-dhexaad ah deeg...
15/10/2024

SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 15 – 21 OCTOBER 2024:

Iyadoo asbuucii lasoo dhaafay ay ka da’een roobab dhex-dhexaad ah deegaanada kala ah Garowe (49 mm), Burtinle (49.4 mm), Xasbahale(27mm), Laascaanod (32 mm), sida ay diiwaan galiyeen roob beegayaasha.

Dhanka kale filashada roobka asbuuca 15 –21 October 2024 ayaa ah mid saraysa in ta badan goboladda Puntland xaddi ahaana udhexeya (20-50) mm.

Degmooyinka Gaalkacyo, Burtinle gaar ahaan deegaanka Gosol, Xudun iyo qaybo ka kamid ah degmada Qardho gaar ahaan Dhudhub ayaa la filayaa inay helaan roobab xaddi ahaan gaaraya (100 – 150) mm.

Dhammaan bulshada ku dhaqan degmooyinka xaddiga roobku sareeyo waa inay taxadar dheeriya muujiyaan kana fogaadaan meelaha biyo mareenada ah gar ahaan maalinta 21 bisha October.

Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka.

Qaar Kamid ah Guddiga Maareynta Khataraha Masiibooyinka Degmada Qardho. Ayaa kaqeyb gallay kulan Ku saabsan Wacyigalinta...
01/10/2024

Qaar Kamid ah Guddiga Maareynta Khataraha Masiibooyinka Degmada Qardho. Ayaa kaqeyb gallay kulan Ku saabsan Wacyigalinta Khataraha Masiibooyinka oo Qardho lagu Qabtay.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa Qardho ku qabtay kulan ku saabsan wacyigelinta bulshada ee Maareynta khataraha musiibooyinka (DRM) iyo doorka warbaahintu ay ka qaadan karto sare u qaadida wacyiga bulsho.

Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka, agaasimaha waaxda arrimaha bulshada, saraakiisha waaxda DRM, Gudoonka MAP, Ururada blshada Rayidka iyo qaar ka mida hawlwadeenada warbaahinta Qardho ayaa ka qaybgalay.

Address

Dawladda Hoose Qardho
Qardho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddiga Maareynta Khataraha Masiibooyinka Degmada Qardho. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share