Eng Nouh

Eng Nouh Dhismaha iyo Nashqadeynta guryaha oo si tayo sarre lagugu dhisayo ama lagugu nashqadeyn doona.

Waa maxay RTK?RTK (Real-Time Kinematic) waa hab cabbir oo isticmaala calaamadaha dayax-gacmeedyada (GPS, GLONASS, Galile...
11/07/2026

Waa maxay RTK?

RTK (Real-Time Kinematic) waa hab cabbir oo isticmaala calaamadaha dayax-gacmeedyada (GPS, GLONASS, Galileo iyo BeiDou) si uu u bixiyo meel sax ah oo gaari karta 1–3 cm.

RTK wuxuu ka kooban yahay laba qaybood:

Base Station – Qalab meel la yaqaan lagu dhigayo oo saxitaanka (correction) dira.

Rover – Qalabka surveyor-ku gacanta ku qaato oo cabbirka sameeya.

Base-ku wuxuu Rover-ka ugu diraa xog saxitaan ah iyadoo la adeegsanayo Internet (NTRIP), Radio ama UHF, taasoo ka dhigaysa cabbirka mid aad u sax ah.

Sidee RTK u shaqeeyaa?

Base Station ayaa la dejiyaa.
Base-ku wuxuu qabtaa calaamadaha satellites-ka.
Wuxuu xisaabiyaa khaladaadka jira.
Khaladaadkaas ayuu u diraa Rover-ka.
Rover-ku wuxuu saxaa xogta isla markiiba.
Waxaa lagu helaa coordinate sax ah (X, Y, Z).

1. Construction Project (Mashruucyada Dhismaha).

RTK waxaa loo isticmaalaa:
In la ogaado xuduudaha mashruuca.
In la cabbiro dhererka iyo ballaca goobta.
In la hubiyo heerarka (Levels).
In la ogaado meelaha la qodayo ama la buuxinayo.
In la sameeyo xogta naqshadeeyaha.
Tusaale: Waxaad dhisaysaa iskuul.
RTK ayaa lagu:
cabbiraa goobta,
lagu ogaadaa geesaha,
lagu ogaadaa elevations-ka,
kadibna naqshadda ayaa lagu dabaqaa goobta.

2. Road Construction (Dhismaha Wadooyinka).

RTK wuxuu muhiim u yahay:
Center Line-ka wadada.
Edge of Road.
Shoulder.
Drainage.
Culverts.
Curves.
Slope.
Waxaa lagu ogaadaa:
halka wadadu mari doonto,
dherer kasta,
jiirada,
meelaha la qodayo,
meelaha la buuxinayo.
Tusaale ahaan haddii wadadu tahay 10 km, RTK ayaa lagu calaamadeeyaa dhammaan centerline-ka iyo profile-ka.

3. Building Layout (Setting Out).

Tani waa shaqada ugu badan ee RTK lagu isticmaalo.
Waxaa lagu sameeyaa:
Corner Points.
Foundation Lines.
Column Locations.
Wall Lines.
Grid Lines.
Beam Positions.
Tusaale:
Naqshaddu waxay leedahay Column A1.
RTK ayaa kuu sheegaya meesha saxda ah ee Column A1 laga dhisayo iyadoo khaladku yahay dhowr sentimitir oo keliya.
Markaas surveyor-ku wuxuu calaamadeeyaa bartaas.

4. Land Surveying (Cabbirka Dhulka).

RTK waxaa lagu:
cabbiraa beeraha,
lagu cabbiraa dhulalka,
lagu ogaadaa boundaries,
lagu sameeyaa cadastral survey,
lagu xisaabiyaa area.
Waxaad ku heli kartaa:
Coordinates.
Area.
Distance.
Bearings.
Tusaale:
Haddii qof leeyahay dhul 40 × 60 m.
RTK ayaa lagu cabbiraa afarta gees, kadib software-ku wuxuu xisaabiyaa bedka saxda ah.

5. Topographic Mapping (Khariidaynta Dhulka).

Topographic Survey waa ururinta xogta dhammaan waxa goobta yaalla.
RTK waxaa lagu cabbiraa:
Buuro.
Dooxooyin.
Waddooyin.
Webiyo.
Geedo.
Guryo.
Tiirar koronto.
Biyo mareenno.
Kadib xogta waxaa lagu geliyaa software sida:
AutoCAD Civil 3D
Carlson
Trimble Business Center
Waxaa laga sameeyaa contour map iyo 3D terrain model.

6. Bridge and Railway Projects (Buundooyinka iyo Tareennada).

RTK waxaa lagu isticmaalaa:
Alignment.
Pier locations.
Abutments.
Rail centerline.
Elevation.
Monitoring.
Buundo kasta waxaa loo baahan yahay in tiirarkeedu noqdaan meel sax ah.
RTK ayaa xaqiijiya in tiir kasta lagu dhisay coordinate-kii naqshadda.
Mashruuca tareennada wuxuu kaloo hubiyaa:
leexashada,
jiirada,
profile-ka,
centerline-ka.

7. Utility and Pipeline Surveys (Tuubooyinka iyo Adeegyada Dhulka Hoostiisa).

RTK waxaa lagu calaamadeeyaa:
Tuubooyinka biyaha.
Sewer.
Gas pipeline.
Oil pipeline.
Fiber optic.
Electric cable.
Waxaa lagu ogaan karaa:
halka tuubadu marto,
meesha valve-ku yaallo,
manholes,
elevations.
Tusaale:
Haddii la dhigayo water pipeline, RTK ayaa lagu calaamadeeyaa barta ay tuubadu mari doonto, masaafada u dhexeysa dhibcaha, iyo qoto-dheeraanta loo baahan yahay.

Faa'iidooyinka RTK

Saxnaan aad u sarreysa (1–3 cm).
Shaqo degdeg ah.
Khalad yar.
Looma baahna cabbir badan oo gacanta ah.
Xogta si toos ah ayaa loogu geliyaa software.
Waxay badbaadisaa waqti iyo kharash.

Tallo iyo Tayo Degel dhise
04/06/2026

Tallo iyo Tayo Degel dhise

♻️Fadlan nala qiimey nashqadan🏠Cabirka dhulka waa 20x15m^2🖱4 qol barxad iyo barando casri ah
24/05/2026

♻️Fadlan nala qiimey nashqadan
🏠Cabirka dhulka waa 20x15m^2
🖱4 qol barxad iyo barando casri ah

Address

456567BH
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng Nouh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share